Friday, January 5, 2007

Seben kulul

Dhibaato kasta oo dhacda wada tashi iyo duco ayaalagu kulmaa, hase yeeshee, waxyeelooyinka qabyaaladduleedahay wadaad iyo waranle dhinaca xun ayaa lays ku raacaa . markaas gabaygani waxa uu canaan u jeedinayaaaqoon yahan iyo wadaadba sida aan loogu kala hadhin xasaradda dalka ka taagan.

Sidii kebed la soohaayo oo saafi tolnayso
Oo seemantii reerahiyo dumar samaynaayo
Xadhiggii suryaysnaa dufkii maydhax lagu soohayoo
Uu sibaaqii hablaa suulasha caseeyey
Oo sawdka tii marin taqaan sare u qaadayso
Sacabkaa mashquulee mashxarad Saado kula boodday
Aniguna sansaankiisa gabay saani kuu idhiye
Haddaad sahashanaysiyo haddaad si u malaynayso
Sawrkiyo xaqiidii anoo sugay aqoontayda
Oo aan silsiladdii taxnayd weli samaynaayo
Suryo aan ujeedada la marin surrinna kuu baydhin
Oo aan samaan iyo samaan samo ku heesaayey
Suugaan waxaan odhan lahaa siinley qabadsiiyey
Si uun bay u kala foororaa kuma samaaadaane
Haddaan reer salooshoo murtida qolo ku saameelo
Markaasay ku soo selelileyd sarna tumilayde
Sida fiican la ma doonayiyo sama ka faalloode
Sinbiidhada ninkii tirinayeye sacab u raacshaane
Waxba yaan su'aal iyo jawaab siinku ii furine
Salldhiggiyo ujeedada haddaan saabka qabadsiiyo
Saakana waxaan tabanayaan kuu salimayaaye

Seben kulul haddii lagu jiroo sulufku duulaayo
Surmigiyo harradkii haddii maalku saranseeray
Surbbacaadka waayaha la qabo noole socon waayey
So'dii laga cabbaayiyo hartii sula biyii laacday
Dadku uu sufuudhii wakhtiga wada siniinaayo
Saxalkiyo dhibaatada la qabo sawlan lagu raagay
Siigada dhacaysiyo dabayl samadu qiiqayso
Oo sabadu waa oomanee soof la dayi waayey
Ama cudur sabeenaa ku dhacao simanna tiicayso
Oo sulug ninkii maali jirey saan ka bixinaayo
Sidigtii nirgaa diidayoo cidi salaaxaynin
Sanbabkii riyaa wada galoo seenyo kici weydey
Sac la maalo sooyaan bakhtiyey seylad cidi gaadhin
Soortiyo hadhuudhkii anfaco subax la iidaamin
Sumalada la gawraco markii suurid laga yaabo
Oo sabada xoolaa bakhtiyey haadku siliteeyo
Saboolnimo haddii laga baqoo saxalku dheeraado
Salligiyo wadaadadu qabsade suuradaha dheere
Subciskii quraankiyo ducada saani loo mariye
Suurtii dagaalkiyo markuu salawgu yeedhaayo
Sokeeyuhu hadday dirirayaan seefna lagu boodo
Sabaxooyinkii lama akhriyo sadarka diineede
Sheekhyadu safkooday galaan sulubna qaataane
Samataliye laga waa arlada sawlankaa jira e
Qalbigaa sabool laga yahiyo saanta aadmiga e
Sifihii islaamkiyo dadkoo sumad wadaagaaya
Salaaddii hadday wada galaan la sujuudaayo
Sir baa eebbe loo kala baryaa libin la saadshaaye

Adduunyada sadkiisii nin cunay soona jirey waayo
Siqiirkiyo dhallaankii markuu sebiyadii miidhay
Sugulaan wadaagnaa ku yidhi seeska reer hebele
Sirdaboolan waabay sirgacan sun iyo deybaaqda
Suldaankaa u kala qaybiyoo waa sarkaal falane
Siidhiga kuwaa loo hayee saafay hilibkooda
Sallid baa hor kacayoo nin yari saaka kaa dhimaye
Subeehiga qabiilada wadiyo saajin noo taliye
Dhalinyaro sabaanada ku timi siibte ubaxiiye
Maxaa sayn cadaagii nabaday sebenku waa yaabe.

Wednesday, January 3, 2007

CARTA

Markii ay soomaalidu ku shirtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, waxaa lagu dhisay dawlad salka looga dhigay qabiilkii Soomalida dumiyey, nimankii ummadda tirtirayna hoggaanka loo dhiibay, waxaan gabaygan ku sheegay in aanay dawladdaasi tamarin doonin marhaddii mar haddii tiirarkeedu yahiin qabyaalad.

Carta maalintay wada tagtee cugasho loo jeestey
Coomaadahii soo mirkacay cunay dhashii joogtey
Caaraha shabeel iyo dhurwaa calanka loo dhiibay
Ciroolaha qabiilada la koray coofle madax doonay
Ciyawgii ka soo lalay halkuu caydha yurub joogey
Casarkii ku soo degey halkay cawda qolo taallay
Caaqilo kuwii galay raggii ciidda gubay waayo
La casuumay cudurkii wax galay cuudka yidhi laaya
Curigii dhashoodii cunee cadan hablaa geeyey
Cisho kale la aaminay markuu cid iyo reer yeeshay
Cudud laysu sheegtiyo anaa ciidda faraheeda
Cawaankii iskala qaybiyeen laysku carinaayey
Cifriid reer meteleyaa mid kale cayda kala daalay
Ee coomirkii faallo galay cid iyo sheeg sheegga
La colloobey cuur kale markii laga cad roonaaday
Ee ceelalyadu habaqtankii lays carqaladeeyey
Ay caydhinkii qaybsadeen ciilla qolo oydey
Cadkii gobanimaa lagu jarjaray ciid shisheeya ahe
Cududii markay kala jareen laguna ceeryoomey
Candhadii darbaa qaatayoo cunay sakaarkiiye
Cidiyaha ku qaybsade waxaan cunaha dhaafayne

Cayn dawlad lagu maamulaa maha ceel ceele
Caruus lama gelayso bah way kala cadhoodaane
Cobol iyo intay kala yihiin ciise iyo muuse
Cisho gaadhi maysoo anaa caawa taa idhiye
Ciirada run bay moodayaan caadka galabeede
Canbartii halkay kaaga tiil caalmaku ogaaday
Miyaa caabaqii la bogsaday cidhib ku naafeeyey?

Carradii miyiga maalintay geela celinaysey
Cilalkiyo markay doonbirtii ciid ka fadhanaysay
Colaadiyo dagaaliyo haddii ciidan diriraayo
Cawskiyo biyaa maalintay car iga daaq joogtey
Ay cuudka kala qaadayeen caymar kala boobtay
Ama uu canbaro wiil la tegey calina doonaayey
Cuqaaliyo hadday wada lahayd odayo loo cawdo
Casri baa la joogaa wakhtigu maha caynkiiye
Maantana ciddii talin lahayd loo cumaamadaye
Marhadday cigaal wada xidhaan culimo qaar sheegtay
Carooggay u tumayaan kuway cariya leeyiin
Curdinkiyo markaasay dhintaan caydin korayaaye

Haddii maamul loo cararayoo caam la talinaayo
Caqligiyo aqoontaa ka weyn cuurka aad tahaye
Camalkii qabiilkiyo midnimo calan wadaageysa
Waa calaacal timo yeelatiyo caado kow tidhiye
Dadka kii cirwyniyo midkii wada cantuugaaya
Cabaad dheerahaa talin yaqaan caynkan ay tahaye
Kaa loo cayaaree la yidhi caawa madaxweeye
Waa caalinkii soo fadhiyey ceelka Xamar Weyne
Markii maamulkii ciiray buu soo cilaansadaye
Ciddii talada haysuu ahaa tan iyo cawshiiye
Cisho hore ayuu qaban lahaa caawa taad sugiye
Caynkeen u raacaa nimaan cod iyo raad yeelen.

Casar bay ka dhoofeen dhulkoo Carabta aadeene
Markuu caano maal joogey bey Cadan u duuleene
Waa caadadii aan ogaaa cariyo beylkiiye
Caan waxay ku tahay waa beryada ceebba loo qabine
Cudurkii dhulkoodii gubee ceeshi kari waayey
Caawana waxay bay doonayaan lagu canbaareeye
Caantaynkan ay urursadaan caydh ma kaafiyo e
Haddii caami loo rari lahaa maba Canaanteene
Haddaa caaro dhuubtiyo madfaca loo camirayaaye
Casarkiiba waa taa rasaas caasha loo sudhaye
Cududaha ku dhaashade hubkii ciidan loo raraye

Hadday Carabi sharaf leedahoo cidi wax moodayso
Carafaadkan rooroorayey caawin kari layde
Iyagaba dadkoodaa cadiban ciilla aan hadalle
Sayidkii codkiisaa ahaa carabi waa mooge
Inkastay cid kuu soo diraan waa cidloo kale e
Maalintay cagaaggii ahayd ciirsan kar waayey
Curyaankiyo markii laga fakaday cagaha kii waayey
Cilmigii islaamkiyo kuwaan caado wada leenay
Cunto nooma soo dirin markay cawda wada taalle
Cimrigood kuwaa talinaya cid uma dhiibaane
Nin cadaalad maamuusayaa Carab ma gaadheene
Cabdalliyo mabuu haybsadeen kay Casiis tidhe
Adigaa cantuugada rabiyo caan bax baad noqone
La cashee cabiid baad ka tahay Carab dhankeediiye.

GABBALDAYE

Waxa uu ku saabsan yahay gabaygani madaxnimo jacaylka, qabyaaladda iyo sinnaan la’aanta sida takoorka Gabooyaha ama Midgaha dadka loo yaqaan.

Xaajada gondaa kaaga maran kuna gujaynaysa
Gocashada xanuunkiyo halkii gabay la ooyaysa
Geeraaradaa lagu sabaa guuxa aan hadhine
Anigoo guntiga lay xidhoo gabana oo liita
Geeloo arooriyo anoon ceelalyada gaadhin
Gurigiyo ardaagiyo anoo gudaha meeraysta
Gole laga cayaariyo anoon gabay ku dhaantaynin
Anigoo goshii hooyaday gama'lay seexho
Gorofkiyo hadhuubkiyo anoon gudinta lay dhiibin
Geediga hayaanka ah anoo gurada lay saaro
Gobanimo la qaatiyo anoon garan wixii jooga
Lixdankii raggii ii gurmaday in gargaaraayey
Gacan baan u dirayaa ninkii guday xilkiiseeye
Soddoon guuro iyo waa guyaal gooshkan maanta ahe
Gogoshii kuwii baa fadhiya geedka loo dhigaye
Gadhcaddaa haddii aad ahayd maanta waa gabaxe
Gaashaan la ciir baa na wada taniyo goortiiye
Gahaydhkii magool saarayaan gawsku qabanayne
Gacayradu dhanaan maleh haddaad goyso duhurkiiye
Gocondhadu xanuun maleh intay geed ka lulataaye
Waxa guunyo loo sahamiyaa guriga daaq roone
Kama guro dadkeennii ninkii garasho dheeraaye
Qofk kastaa marbuu hawlgabaa sharafna gaadhaaye
Oo uu guduunshaa nin kale kii gadaal yimi
Anigiyo gankaygaba la diid inay guddoonshaane
Gafanahu wuxuu iiga lulan madaxa guudkiisa
Gabaarayda igu yaaciyee garabcas ii keenay
Ama ganafka lay yuururee layna gadanaayo
Gabbal daye wuxuu iga rabaan garan aqoon waayey
Gole sare ninkii laga dhigee shicibku gaadhsiiyo
Goortii la doortiyo hadday gudubto taariikhdu
Gashi naguma yeeshee hadduu godob la meeraayo
Anaa lay golleeyahay war xumo beesha gelinaayo
Gurmadaay ka soo kaca tolkii galawku heesaayo
Garaadkii la diidyeey intaa gini la dhiibaayo
Garri laysu tumayee mid kale daba guclaynaayo
Waxa meesha lagu gaadayee looga go'i waayey
Ee geeska loo fiiqayaan garan aqoon waayey

Goofaadhtan hoosiyo wixii hore innoo gaadhay
Amma geel la kala qaadi jirey gulufna raacaayey
Guri kii yagleelaba mid kale gurayey ooddiisa
Galka laga cabaayiyo biyaha maalku geli waayey
Gashi laysku yeeshiyo haddii talo gawaanraacdo
Garta Ina Sanweynaa yaqiin garashadeediiye
Goortaa la dhaafyoo adduun gelinba waa cayne
Immikaa waxii laysku galay gaalku naqayaaye
Guddoonshaha ayey wada rabaan loona go'ayaaye
Maantay gudoodiga ku tahay meel la garanayne
Haddii geesigii idin hor kaca gees la qaban waayo
Gaar loo tilmaamoo mid kale gawska dhiganaayo
Gujiyaay la leeyahay qabiil maaha gacalkaaye
Gacan laysu dhiibiyo hadday garasho kaa duusho
Go'a laysu tuuroo wanaag xadhigga loo gooyo
Garawshiiyahaa lagu socdaa lays afgaran waayo
Adaa gabay inaad dawladnimo gaadho weligaaye
Gedaankay ka lulataa xornimo mana gargaartaane
Geyigoo samaadiyo ha filin guurti nabadeede
Gar la sheegoo gaagaabsi qolo geedka laga baano
Garoon lagu faqaayiyo xigaal garab is moodaaya
Oo kala go'aayoo hadana gees ku diriraaya
Ummaad garashadeedii luntoo gaabis talinaayo
Oday guruca taagiyo qabiil gadayo maankooda
Waxa goosan lagu doonayee gebi innoo diiday
Gunnadaa la kala boobayee laysu garan waayey
Ee loo galaayuusayaan garan aqoon waayey.

Gabooyaha kuwaa ula baxdeen gacal ma moodaane
Garoon lagama soo qodin kuwaa gees u erideene
Garabrarato weeyaan nimaan guri u oodnayne
Guunyadu dhaqmaad male haddaan geedo loo heline
Goodiga la daaqiyo markii geliga loo diiday
Waa inuu gantaalaha ridaa mulaca gaadaaye
Golfafaha ma deyn karo nimay gaajo dubataaye
Garanuugta cawshiyo hadduu goodir qalanaayo
Gorayada haddii uu eryado uma garawdaane
Gudimada ninkaa kuu tumee gaabsha timahaaga
Amma garac neef marinayee ganaca aad siiso
Gudis lama amaanine hablaa gudaha jeexaaya
Girgiraha hadduu kuu xidhxidho waanad garanayneI
ma gayo ma guursado haddii laysu wada guuxay
Garaadkiinnu wuu fooraraa garannamaysaane
Gumeysigu kumuu badin waxaad yeeshay gobolkaaye
Adigiyo ninkaa kula gudboon nabarna gaadhsiisay
Gaar midab ah ruuxii leh baa lagu garbeeyaaye
Gabbal lagu tilmaamiyo haddii goobo lagu sheegay
Adiguba galaal baad qabtaa guudka oogada e
Adduunyada haddaad geli lahayd gaanka lagu noolyey
Garab shiilin gawaha la dhamo gol iyo laab raacda
Gasiin adi lagu doorayoo gooni loo kariyey
Gogoshaada may kala wadheen gaari loo diraye
Isna lama guhaadsheen intoo gooni loo diro e
Gommod lagu harraadiyo lafaa lama lguddoonsheene
Gabno looma dhiijeen hashaan godolka qaadayne
Adigaa garaadada xidhee Guulle muu odhane
Garays waxaan u saaree nin kale gun ugu sheegaayo
Amma gob iyo faankeed yahaan garan aqoon waayey

Markii dunida gaar loo dhigee Guulle kor u taagay
Gabaahiira waa tii ahayd gebi ahaanteede
Markii Aadan guudkeeda yimi
Xaawa laga gooyeTarankii iswada gaadhayee kala gaboobaayey
Tiro laguma soo guurin karo taniyo goortaase
Guuleed Warfaa iyo haddaad Geydhe marinayso
Guutaale waa laga tegee Carabta gaadhsiiso
Garooc baad ka sheegtee ma tirin guutadii hore e
Ummadii gaboobiyo kuwaa dunida guud jooga
Giddigood walaalaa tihiin gaanka aadmiga e
Gaalkaad sinaydeen ma ogid goobta uu dego
Gubadkii adaa baadhayee guure lagu dhaafe
Abtirsiimadaa kala gurtaan gubasho weeyaane
Giraantaa wakhtiga soo martee dib u geddoomaysa
Soomaalidaa garan taqaan geesta loo wado e
Waxaan hayb u sii gocanayee una god raacaayo
Ee gaamurkii ugu abtirin Guba la soo dhaafye
Gooryaanle ii noqonayaan garan aqoon waayey.
Inta lays gilgilayee madfaca laysu gelinaayo
Ee maamulkii loo guntaday guudka sare joogey
Waa kaa dhulkeenni galbaday xaalufkii gudhaye
Galoolkiyo maraagii haddii xididka loo gooyey
Oo aad gammuurteen dhirtii lana garaacaayo
Gabbood lama fadhiistoo dhulkii gelengel weeyaane
Gorofkiyo tigaaddii halkii geelu miranaayey
Gaashan dhiggaad ururiseen gaadhi marinaayo
Gawaantaa u oodaan nafluhu kuma guyeystaane
Gosha midhaha lagu soo ridiyo xabagta gaagaaban
Geeljire ma haybsado wuxuu gurayey hoobaan
Gooshiyo libaaxii sidii gorayga loo waayey
Guunyana inay kaa baxdaad galabta joogtaane
Geed uu fadhiistiyo markuu laanta geli waayey
Gorgorkii wuxuu kaaga tegey gaajo iyo oone
Kiiniya ugaadhii gashay doollar gurayaane
Golidaa la dhaqayaa adaa gaabshay noloshiiye
Gabannada kacaayiyo kuwaa goor la dhali doono
Giriyaad ninkii uga tegoow waa garoon madhan e
Gobblan talo adduunyooy maxaa gabay laguu sheegay

Monday, January 1, 2007

IDIL

Ka dib markii ay dalkii hooyo ka dhaceen dhibaatooyinkaqabiilku ayaa loo soo qaxay dal qalaad, Idil oo ku dhalatay Kanada ayaan gabaygan ugu sheegayaasababta keentay qurbaha iyo haddii ay dhulkii hooyo joogi lahayd waxay ku sugnaan lahayd waa sannadkii 2000ka.

Idileey amuur baa dhacdoo aabbo kaa dedane
Arxan malaha Soomaalidaa ehel wadaagtaane
Asaaggaa markay wada dhinteen uurka maad geline
Odayada dhashoodii cunaa oodda noo rogaye
Arrinkoodu waa taagan yahay kama ajoodaane
waa uumanaa xaajadaan kuu alimayaaye
Dayaxaa ilays laga helaa nuurka oogta ahe
Oogada haddii uu ka tago madow ku aafeeye
Xiddigaha iftiimaa marbay aragga muujaane
Afdiinlaha markii laysku riday ololka duulaaya
Eebada markay wada ganeen aana kor u yeedhay
Afarqaadka socodkii ku nimi meel awow degine
Ayaxii markay kala tageen aade meel kale e
Uugaabadii gaaladay weli ag joogaane
Ilmihii kacaayiyo kuwaan orodka rooraynin
Waxa ay ku ababshaan dhallaan aanadii hore e
Alifkii quraankiyo intaan edebta loo sheegin
Abtirsiimadaa kala gurtaa uurka loo dhigiye
Waxa ay ku ababshaan dhallaan aanadii hore
Utin buu la korayaa filkaa aarna sugayaaye

Abasadu markay nagu dhacdaan eegay taan degaye
Amxaar iyo hadday kala yihiin Irish iyo Gaana
Eeshiya kuwii degi jireyiyo belo aguugaysa
Irbaddaynu kala qaadanaa Uruba kii yaalle
Ingiriiskan aan wada degnaa nama ikbaaraane
Albaabada markay noo fureen noo asxaan fale e
Alle ruux yaqaaniyo nikii aayadaha diiday
Eedaanka kii yeedhiyiyo gaalka iman waayey
Asluubtiyo sharciga loo dhigay wada ilaashaane
Awrkaaga raro waa qurbaha aadka uu yahaye
Amuurtii haddaan lagu sallidin aradka Soomaali
Ololaha qabiiladu ku dhicin eelka nagu raagay
Ilihii Hargeysiyo Burciyo Awdal madaxeeda
Agagarka Laas qoray Togdheer idhanka Gaaroodi
Afka Ceel berdaaliyo toggaa bad u arooraaya
Aburiin agteediyo Gadhyogol aaggaa Faraweyne
Afmadow ishii Baydhabiyo webiga awleeya
Miduun baad ku soo ababilayd kuna ekaan layde
Ma og tahay Allaa kuu qadaray oolinkaad timiye

Illimaa haddaad joogi leyd odda Cali Aadan
Haddaad adhi ku racdiyo haddaad eyro celinayso
Oo aad ardaa seexatoo edeggu kuu muuqdo
Sidaasaa awowgaa ahaa kuna abuuraaye
Istareex ayaad joogi layd aaya nololeede
Urugaa i qabatoo halkani waa agoonnimo e
Aqaliyo waxaad taagi layd udub dhexaadkiiye
Alool baad ka soo xeeri layd uufta siigada e
Haddii ay abaaruhu dhacaan omos la daaqaayo
Oo oomanaan lagu jiroo roobku iman waayo
Aroorkiyo waxaad raaci layd awrta dhaanka ahe
Abeesaley biyaa laga cabbaad aayar dhurilayde

Markuu geelu uugabayee odda jebinaayo
Maqashaad ka soo ururinlayd aarankaa diliye
Irmaantaa laguu reebi laa adhaxda jiilaale
Aagaanta kaa kala go'daad unug samaynlayde
Asal baad u soo diiri layd wuu udgoon yahaye
Ubbadiyo waxaad dhawri layd eeri kaa jaba e
Idihii dhalaayiyo haddaad adhi la maalaynin
Iniinyaha ayaad beerilayd soo awaal baxa e
Abaqaalka midhihii baxaad aayar jari layde
Arabikhi kolaad quudatoo aale kala jeexdo
Anfaaciga ma weydeen kolaad iibisaa xadhige
Iskuulkiyo haddaan lagugu darin alif la taagaayo
Itaalkaaga waad gadan lahayd aayadaa jira e
Adeegooyinkaad noqon lahayd waa adoo kale e
Ibtilada dhulkeennii jirtaa axan la feentaaye
Iyagoo afkoodii qalalay oonna socon waayey
Adhaxday ku qaadaan rasaas kuna adkeeyaane
Aakeega ay weheshadaan oofta kala gooey
Isirkii walaalaha noqdee oodda wada yaallay
Ololaha qabiil kama hadhaan ab iyo sheegsheege
Isu ure agoontii hadhee aabbahood dilaye
Idaajaa haddii lagu akhriyo Alamtaroo raacda
Adeerow ka joog kuma hakado awrka qooqaniye
Uurkaan ka ooyaa dadkani waa Allawsahale
Alhuumada kuwaa lagu salliday malaha iimaane
Ilxayiigtu way madhanayaan aayaatiin ma lehe
Eedaadka Soomaalidiyo urur la'aantooda
Ugaadh bay yihiin meel cid la'a aar ku weeraraye
Ibta qoriga eebada la ganay oohin galabtiiya
Udahooda waa kaa dhurwaa cunay unuunkiiye
Ilbax waxay u haystaan markay ubadka laayaane
Imtixaanka noloshay beryahan la alwanaysaaye
Lama oga ujeedada wakhtiga ururso mooyaane
Ha irkigin adduunyada dhammaan iniba waa cayne

Meeshaan ugbaadiyo lahayn uriyo geed laaca
Abaar lama dugsado meel haddaan ini magoolayne
Abtirsiimo reer hebel markii iniba meel raacday
Naftu orodbay kugu aamintaa kuna itaashaaye
Abris halaqa iyo good intuu oodda miranaayo
Abaanduulihii ciidamada amarka siinaayo
Araaryaale goodiyo maskii aburka saydhaayo
Abees guda ukuli soo baxdiyo uurcadduhu jiifo
Aarkii dabooliyo shabeel ayda miranaayo
Ee uu ugaas talinayee ina ayay joogto
Indheer garatadii laga tegee adhigu faalloodo
Uf la yidhi aqoontii jirtiyo aragti tii fiican
Illinkay ka booddoo midnimo oohow laga waaye
Arooskaa qabiiladu gashee odayga loo guurshay
Ummushaa la sugayaa waxay eegga dhalilayde
Kol haddii dhulkaagii in yari eber ka siinayso
Aflagaaddo joogta ah dagaal arami reebaayo
Amikaarka Ruushkii ka tegey inan yar loo dhiibay
Ufadiyo colaaddii madfaca aydin socon waayey
Intay kugu adaadurin lahayd qolo orgooneysey
Ammaankaaga joog meeshanaa uunku wada yaalle.