Wednesday, January 3, 2007

CARTA

Markii ay soomaalidu ku shirtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, waxaa lagu dhisay dawlad salka looga dhigay qabiilkii Soomalida dumiyey, nimankii ummadda tirtirayna hoggaanka loo dhiibay, waxaan gabaygan ku sheegay in aanay dawladdaasi tamarin doonin marhaddii mar haddii tiirarkeedu yahiin qabyaalad.

Carta maalintay wada tagtee cugasho loo jeestey
Coomaadahii soo mirkacay cunay dhashii joogtey
Caaraha shabeel iyo dhurwaa calanka loo dhiibay
Ciroolaha qabiilada la koray coofle madax doonay
Ciyawgii ka soo lalay halkuu caydha yurub joogey
Casarkii ku soo degey halkay cawda qolo taallay
Caaqilo kuwii galay raggii ciidda gubay waayo
La casuumay cudurkii wax galay cuudka yidhi laaya
Curigii dhashoodii cunee cadan hablaa geeyey
Cisho kale la aaminay markuu cid iyo reer yeeshay
Cudud laysu sheegtiyo anaa ciidda faraheeda
Cawaankii iskala qaybiyeen laysku carinaayey
Cifriid reer meteleyaa mid kale cayda kala daalay
Ee coomirkii faallo galay cid iyo sheeg sheegga
La colloobey cuur kale markii laga cad roonaaday
Ee ceelalyadu habaqtankii lays carqaladeeyey
Ay caydhinkii qaybsadeen ciilla qolo oydey
Cadkii gobanimaa lagu jarjaray ciid shisheeya ahe
Cududii markay kala jareen laguna ceeryoomey
Candhadii darbaa qaatayoo cunay sakaarkiiye
Cidiyaha ku qaybsade waxaan cunaha dhaafayne

Cayn dawlad lagu maamulaa maha ceel ceele
Caruus lama gelayso bah way kala cadhoodaane
Cobol iyo intay kala yihiin ciise iyo muuse
Cisho gaadhi maysoo anaa caawa taa idhiye
Ciirada run bay moodayaan caadka galabeede
Canbartii halkay kaaga tiil caalmaku ogaaday
Miyaa caabaqii la bogsaday cidhib ku naafeeyey?

Carradii miyiga maalintay geela celinaysey
Cilalkiyo markay doonbirtii ciid ka fadhanaysay
Colaadiyo dagaaliyo haddii ciidan diriraayo
Cawskiyo biyaa maalintay car iga daaq joogtey
Ay cuudka kala qaadayeen caymar kala boobtay
Ama uu canbaro wiil la tegey calina doonaayey
Cuqaaliyo hadday wada lahayd odayo loo cawdo
Casri baa la joogaa wakhtigu maha caynkiiye
Maantana ciddii talin lahayd loo cumaamadaye
Marhadday cigaal wada xidhaan culimo qaar sheegtay
Carooggay u tumayaan kuway cariya leeyiin
Curdinkiyo markaasay dhintaan caydin korayaaye

Haddii maamul loo cararayoo caam la talinaayo
Caqligiyo aqoontaa ka weyn cuurka aad tahaye
Camalkii qabiilkiyo midnimo calan wadaageysa
Waa calaacal timo yeelatiyo caado kow tidhiye
Dadka kii cirwyniyo midkii wada cantuugaaya
Cabaad dheerahaa talin yaqaan caynkan ay tahaye
Kaa loo cayaaree la yidhi caawa madaxweeye
Waa caalinkii soo fadhiyey ceelka Xamar Weyne
Markii maamulkii ciiray buu soo cilaansadaye
Ciddii talada haysuu ahaa tan iyo cawshiiye
Cisho hore ayuu qaban lahaa caawa taad sugiye
Caynkeen u raacaa nimaan cod iyo raad yeelen.

Casar bay ka dhoofeen dhulkoo Carabta aadeene
Markuu caano maal joogey bey Cadan u duuleene
Waa caadadii aan ogaaa cariyo beylkiiye
Caan waxay ku tahay waa beryada ceebba loo qabine
Cudurkii dhulkoodii gubee ceeshi kari waayey
Caawana waxay bay doonayaan lagu canbaareeye
Caantaynkan ay urursadaan caydh ma kaafiyo e
Haddii caami loo rari lahaa maba Canaanteene
Haddaa caaro dhuubtiyo madfaca loo camirayaaye
Casarkiiba waa taa rasaas caasha loo sudhaye
Cududaha ku dhaashade hubkii ciidan loo raraye

Hadday Carabi sharaf leedahoo cidi wax moodayso
Carafaadkan rooroorayey caawin kari layde
Iyagaba dadkoodaa cadiban ciilla aan hadalle
Sayidkii codkiisaa ahaa carabi waa mooge
Inkastay cid kuu soo diraan waa cidloo kale e
Maalintay cagaaggii ahayd ciirsan kar waayey
Curyaankiyo markii laga fakaday cagaha kii waayey
Cilmigii islaamkiyo kuwaan caado wada leenay
Cunto nooma soo dirin markay cawda wada taalle
Cimrigood kuwaa talinaya cid uma dhiibaane
Nin cadaalad maamuusayaa Carab ma gaadheene
Cabdalliyo mabuu haybsadeen kay Casiis tidhe
Adigaa cantuugada rabiyo caan bax baad noqone
La cashee cabiid baad ka tahay Carab dhankeediiye.

2 comments:

Anonymous said...

I'm really impressed with your writing skills as well as with the layout on your weblog. Is this a paid theme or did you customize it yourself? Anyway keep up the nice quality writing, it'ѕ гaге to see a niсe
blog like thiѕ one tοday.

Feel frее to surf tо my webѕitе ::
Eleventh hour Lodge Booking

Anonymous said...

Yοur means of explaining the ωhole thing іn thiѕ аrtiсlе
is in fаct pleaѕant, аll cаn eaѕily undeгstanԁ it, Thanκѕ a
lоt.

Also νisit my blοg :: www.armenian.ch